Adeegga Booqdaha Caafimaadka ee Carruurta Da'doodu Tahay 0-5 Sano jir.
Waa maxay adeega booqdaha caafimaadka?
Adeega booqdaha caafimaadka wuxuu loogu talagalay adiga iyo ilmahaaga, laga bilaabo intaadan weli umulin ilaa uu ilmuhu gaadho shan sano jir.
Adeegga booqdaha caafimaadka wuxuu hubinayaa in hooyada iyo ilmaha ay labaduba caafimaad qabaan. Ujeeddadu waa in la hubiyo in dhammaan carruurtu ay helaan bilow nololeed oo wanaagsan. Adeeggu wuxuu taageero u fidinayaa hooyooyinka, aabayaasha iyo carruurta, si dhammaan qoysku u helo wanaag dhanka maskaxda iyo nafsadda ah.
Yaa ka mid ah kooxda Booqdayaasha Caafimaadka?
Kooxda Booqdayaasha Caafimaadka waxaa ka mid ah: Booqdayaal Caafimaad, Kalkaaliyeyaal Caafimaad, Kalkaaliyeyaal Xannaano, Shaqaalaha Taageerada iyo Maamulayaasha. Booqdayaasha Caafimaadku waa kalkaaliyeyaal ama umulisooyin leh tababar khaas ah oo la xiriira caafimaadka qoyska iyo bulshada.
Waxaan bixinaa baaritaanno kala duwan oo la siiyo dhammaan hooyoyinka iyo carurtooda yar-yar. baaritanadaas waxay lagu eegaa: naasnuujinta, hurdada, xaaladdaada nafsadeed iyo horumarka caafimaad ee ilmahaaga.
Baaritaannada waxaa ka mid ah:
- La xiriirka kahor dhalmada – laga bilaabo wiiga 28aad ee uurka
- Booqashada marka ilmahu dhasho – marka uu ilmaha gaaro 10-14 maalmood
- Booqashada 6-8 wiig markuu jiro – tan waxa laga heli karaa Tower Hamlets keliya
- Booqashada markuu ilmuhu gaadho 3-4 bilood
- Booqashada markuu ilmuhu gaadho 8-12 bilood
- Booqashada markuu ilmuhu gaadho 2 ilaa 2.5 sano
Haddii aad u baahan tahay turjubaan, waxaad codsan kartaa marka Adeega Booqashadu kula so xidhiidhaan, si ay balan kuugu sameeyaan.
Daawo fiidyowga hoose si aad uhesho xog-dheeeraad ah o ku saabsan adeegga Booqdayaasha Caafimaadka.
